Featured post

How Women, Individually Or Collectively, Have Contributed To Development.

        Over the last few years, women have contributed immensely in the development of their respective countries either collec...

Saturday, 14 September 2019

Robotyada Oo Suuqii Shaqada Dadka Ku Haysta

ROBOTSKA  OO SUUQII SHAQADA DADKA KU HAYSTA
By Saacid M Gelle


Waqti aan fogeyn waxaa dadka looga kaaftoomi doonaa baahidii looqabay shaqooyinkii ay qaban jireen. Kaalintoodaas waxaa badalkeeda buuxin doona Robotyo loo farsameeyey inay qabtaan xirfadaha  kala duwan ee dadku ku shaqeeysan jireen. Wadamada dhaca bariga fog ee Asia ayay mar hore Robotyadu ka bilaabeen inay ka howlgalaan ayagoo ka shaqeynaya doorar kala duwan oo farsamooyinka wax soo saarka warshadaha looga shaqeeyo ah. Shaqooyinkii u baahnaa waxbarashada waqtiga aadka u dheer ee loo tirin jirey inaan looga maarmin barashadooda kartida-fikir ee bani'adamka sida qareennimada, dhaqtarnimada iyo macalinnimada ayaa dhawaan tijaabooyin la sameeyey lagu ogaadey in Robotyadu qaban karaan ayna si mug leh oo muuqata dhawaan suuqyada shaqo ee wadamada galbeedka uga howlgali doonaan. 

Dayro iyo walwal badan ayay sayniyahannada iyo dhaqaaleyahanadu si dhiilo leh uga tabinayeen sannadihii ugu dambeeyey kororka dadka aduunka oo si xad dhaaf ah u sii badanaya iyo qayraadka “Resources” oo sii daba yaraanaya, arimahan oo sababteeda loo saarayo waxyeelada Isbadalka cimalada oo kulkeedu isbadaleyey sanadihii dambe "Global Warming". Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay in is badalkan hawadu sababi doono in wax soosaarka beeruhu si wayn hoos ugu dhacaan oo ay kaafin waayaan baahida cunto ee uu u baahan yahay dadka tiradiisu xowliga u kordhayso sandba sanadka uu ka sii dambeeyo. Sii badashada Isbadaladan tabani waxay dhiiri galin doontaa xiisaha loo qabo sancaynta iyo adeegsiga Robotyada maadaama aysan Robotyadu u baahneyn cunto, daal iyo caajisna aysanba is aqoon  oo karti iyo wax-soosaarna ka badan yihiin dadka caadiga ah. 

Waxa ay qabaan qaar ka mida culumada cilmiga bulshadu "Social Scientist" sida Yuval Noah in ay lagama maarmaan noqon doonto waqti dhow in wax la iska waydiiyo baahida iyo waxtarka aduunka casrigaahi u qabo nolosha dadka fakhriga ah, taas oo hadey timaado sababi karta in si dadban iyo si aan dadbanaynba in loogu baahan karo dhimis lagu sameeyo maadaama baahi badan oo loo qabi doonaa aysan jiri doonin hadii shaqaooyinkii muruqmaalnimada ee ay qaban jireen  ay Robotyadu  ka la wareegaan.

‘Hadii lagu guuleysto tijaabooyinka Robotyada waxay dadka kuwooda aadka qaniga u ah "Wax-haysatada" isku badali doonaan Allahyo yaryar halka kuwa fakhrigaana ayba suurto gal noqon doonto in lagaba kaaftoomo baahidooda, Inta Robotyada tijaabadoodu socoto lana hubinayo inay buuxin karaan shaqooyinka kala duwan ee loo farsameyey waxaa Xoogsatada iyo Wax-mahaysatada ah iyo warasadoodaba lagu sii maaweelin doonaa computer games, TV programs iyo isticmaalka muqaadaraatka noocyadiisa kala duwan’ ayuu yiri Yuval mar uu dhawaan barnaamijka TED fagaarihiisa ka hadlayay magaalada London.

Saacid M Geelle

saacidiin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment