Maalinta Haween- Weynaha Aduunka
‘’Soo dhawoow, Sideedii Maarso Soo Dhawoow’’
By Saacid M Gelle
March 8, 2015
By Saacid M Gelle
March 8, 2015
Maalinta
Haweenka Aduunka ama International Women's Day (IWD), sidoo kalana ah
'International Working Women's Day' waa maalin wayn oo Umadaha aduunka oo aan
ka mid nahay u asteeyeen xusida iyo xurmaynta kaalinta haween waynaha caalamku
ku leeyihiin horumarka umadahooda sida kaalinta Dhaqan, Dhaqaale iyo
Siyasadeed.
Maalin
wayn oo bulshooyinka ilbaxa ay u muujiyaan garowshiiyo iyo naxariista ay u
qabaan haweenkooda oo sida hubaasha ahna ah aas-aaska bulsho ama laf dhabarta
nolosha insaanka.
Hooyooyinka
xaqooda iyo xurmadooda diinteena meel cad ayay iska taagtey oo in badan ayay
meelo kala duwan ku xustey. Mid ka mida axaadiista rasuulka NNK laga wariyeyna
ayaa ina baraya, iska dhaaf aduunyadee in Aakhirada janada lagu kasbanayo
wanaajinta, iyo daryeelka hooyada oo janaduba taalo hoosta lugaha hooyada: الجنة تحت أقدام الأمهات . Guud ahaan
wanaaga haweenku mudan yihiin maahan mid malin qura lagu xusi karo ee waa mid
joogto ah oo ay mudan yihiin daqiiqad walba in loo ogsoonaado. Maalintaana ay
tahay maalin si gaara la isugu baraarujiyo dayaca iyo dhibaatada haweenka ku
haysata daafaha caalamka haba ugu darnaadeen wadamada dagaalada sukeeyo
aafeeyeen iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo.
Wadamada
caalamku si guud ka sokow si gaar ah ayaa uu wadan kasta goonidiisa u xusaa
maantoo kale maadaama ay haweenka kaalimo kala duwan kaga jiraan bulshooyinka
iyo wadamada kala duwan ee ay ku nool yihiin, daruufaha haystaana ay ku kala
duwan yihiin.
Haweenka
Soomaaliyeed
Haweenka
Soomaaliyeed inay na dhaleen oo ay nala dhasheen markii laga so tago, waxay ku
qayb wayn kasoo qaateen taariikhdii iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadankeenu
soo marey ko hor waqtigii xuriyada iyo kadibna. Mar walbana waxay ahaayeen kuwo
doorkooda la mahdiyo. tusaaleyaal aan badneyd hadaan soo qaadano waxaan ka xusi
karnaa:
1.
Waxay u ahaayeen laf dhabar noloshii hore ee miyiga ee adkayd oo ay qaban
jireen howl aad ufara badan oo aan ragu qabashadeeda aysan haweysan karin
daqiiqado ka mida adeygeeda darteed. Waxay kale oo ay hadeer wali udub dhexaad
u yihiin nolosha casriga ah ee magaalada oo ay wali kaalintoodii hore iyo mid
ka badanba ka hayaan.
2.
Waxay kasoo qayb qaateen halgankii xoriyada ee aan gumaysteyaashii kala duwanaa
ee qarnigii sagaal iyo tobnaad wadankeena soo galey ee ka arimin jirey. iyagoo
hiil iyo hooba lagarab istaagey dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka ahaa ee ka
bilowdey wadankeena. Waxaa xusid mudan in shacabkeenu garwaaqsadeen kaalintii
haweenkii gobonimo doonka oo ay u dhiseen Taaladii Xaawo Taako ee ka taagnaan
jirtey Caasimadii wadanka ee Xamar.
3.
Xiligii xoriyada la qaatey, waxay haweenku iyogoo jilicsan oo qaarkood ilmo
xambaarsanyihiin si iskaa wax u qabso ah uga soo qayb qaateen dhismihii xarumha
adeega bulshada sida isbitalada iyo goobihii wax barashada maadaama uu dalku
cusbaa wax walbana ay biloow ahaayeen.
4.
Halgankii dal-doonka iyo dal-difaaca ahaa ee 1964tii iyo kii 1977 kii ayay aad
uga dhex muuqdeen haweenku dhinac kasta. waxay ku jireen ciidamadii Xooga Dalka
Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan waxayna ka barbar dagaalamayeen raga ayagoo
muujinayay geesinimo iyo karti. Waxaa kale oo usii dheeraa taas inay
kaalintoodii hooyonimo ee barbaarinta ubadka ay kasoo dhalaaleen ayagoo ku
jirey daruufo qalafsan oo xaga dhaqaalaha ah maadaama wadanku uu ku jirey
dagaal u baahnaa dhaqaale badan si loo kaabo ciidamada xooga dalka.
5.
Burburkii dalka ka dhacey 1990kii ka dib Haweenku waxay noqdeen kuwo ay ku
habsatey dhibaatoyinkii dhacayay intoodii badneyd. waxaa kusoo fakatey
kaalintii raga iyagoo reerkii u noqdey aabe iyo hoyaba maadama dalkii burburey
haydihii dowligaa ahaana oo loo shaqeyn jireyna meesha ka baxeen. Haweenku
waxay guntiga u xirteen sidii daruufaha adaga ay uga gudbin lahaayeen
qoysaskooda.
6.
Qurbaha markii layimid ee laga soo qaxey wadankii, Haweenka Soomaaliyeed waxay
kala kulmeen wadamidii ay usoo qaxeen dhibaatooyin badan oo xaga fahamka
nolosha cusub ah iyo afka looga hadlo wadamadii kala duwanaa ee ay u qaxeen.
Waxay wali kujiraan daruuftii adkayd ee la tacaalida iyo korinta familka
Soomaaliyeed ee horeyba ugu haysatey wadankii. dadka inta qurbaha timi waa ay
dareemi karaan nolosha dhabtaa ee ka jirta qurbaha iyo sida hooyada
Soomaaliyeed wali ugu halgameyso korinta ubadkeena, Waxaa kale oo muuqatey sida
aabeyaal badan aysan uga soo dhalaalin masuuliyadii aabenimo markii qurbaha la
yimi.
7. Kawarqabka
iyo taakuleynta eheladii wadankii ku hartey dumarku waxay ka galeen kaalin wayn
oo raga kulama sina deeqbixinta iyo naxariista oo waa iyaga kuwa inta badan ka
warqaba waaridkii iyo walaalahooda wali ku nool wadankii.
Wanaaga
Haweenka oo kan hooyanimadu ka mid tahay waa mid aan shaki la galin karin
muhiimadiisa iyo mugiisa, waana mid ay amaan iyo qadarin badan ku muteysteen,
ayna tahay in goor kasta la xuso loogana mahad celinyo. Waxaa kale oo wanaagsan
in daryeelka iyo u naxariistooda la hubiyo oo laga soo bilaabo markii gabadhu
dhalato ilaa markey hooyada wayn noqoto la garab taagnaado si gaarana loo
taageero. Hooyada Soomaaliyeed gudo iyo dibadba dhibaato muuqata iyo mid aan
muuqan ayaa haysata waxaana muhiim ah in loo damqado oo looga hiiliyo daruufaha
nololeed ee xili kasta soo haystey walina ay kusii sugan yihiin.
IFKA
HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON 'Abwan
Hadrawi'.
Saacid
M Geelle
No comments:
Post a Comment